Dagaal culus oo laysu adeegsaday Hubka nuuc yadiisa kala duwan iyo Hoobiyayaal ayaa ka dhacay Bariga Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo ay muddooyinkii dambe isku-horfadhiyeen ciidamada Dowladda Puntland iyo kuwa PSF ee ka amar qaata Dowladda Somaliya.
Dagaalka ka dib Ciidamada Ammaanka ee Puntland ayaa gudaha u galay xarun ay deggenaayeen ciidamo katirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib dagaal duqaymo u badnaa uu ka dhacay Duleedka Bari ee Magaalada Galkacyo.
Muuqaaladii ugu dambeeyey ee Baraha bulshada la soo dhigay ayaa muujinaya ciidamada ammaanka Puntland oo si rasmi ah gudaha ugu galay xarunta, waxaana saraakiisha ciidanka hoggaaminaysay sheegeen in lagu guulaystey hawlgalkii maanta ka dhacay Duleedka Bari ee Magaalada Galkacyo,Gooboha ganacsiga magaalada Gaalkacyo qaarkood ayaa xiran
Saraakiil katirsan ciidanka Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in gacanta lagu dhigay gaadiid dagaal, hub iyo maxaabiis ku sugnaa gudaha taliska oo ku yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee Magaalada Galkacyo.
Puntland waxay todobaadyadii la soo dhaafay magaalada Gaalkacyo waxaa ay geeysay ciidamo farabadan, kuwaas oo ay qaarkood go’doomiyeen xerada PSF, waxaana la dareemayay saansaanta dagaalka saaka qarxay.
Maahan markii ugu horreysay oo ay gudaha Puntland ku dagaalamaan ciidamada dowladda iyo kuwa PSF, dhowr jeer oo hore ayay ku dirireen magaalada Boosaaso iyo gobolka Bari.

