Tuesday, May 26, 2026
HomeWararCiidamada Puntland oo howlgallo ka wada Buuraleyda Gobolka Bari

Ciidamada Puntland oo howlgallo ka wada Buuraleyda Gobolka Bari

Ciidamada difaaca dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ay weli holwgallo kala duwan oo dhan ah Ururka Al-Shabaab ka wadaan dhulka  buuraleyda silsiladda Golis ee Gobolka Bari.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka difaaca Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in howlgallada lagu burburiyay Saldhigyo ay sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo kuyaalla silsiladda Golis.

Goobaha howlgallada ay ka socdaan ayaa waxaa ay yihiin fhul cidlo ah oo ay kaliya joogaan Ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab, iyada oo la soo sheegayo in howlgallada ay jiraan khasaaro ka dhashay.

Ugu dambeyn Saraakiisha Ciidammada Dowlad Goboleedka Puntland waxaa ay  sheegeen in hawlgallada ay sii socon doonaan ilaa iyo inta Al-Shabaab ka saarayaan silsiladda Golis ee Gobolka Bari.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe