Home Warar Ciidamada Jubbaland iyo Kenya Oo Howlgallo ka wada Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada Jubbaland iyo Kenya Oo Howlgallo ka wada Gobolka Jubbada Hoose.

239

Ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Kenya ayaa lagu soo warramayaa in maanta howlgallo ballaaran ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howlgallada oo ah kuwa Waddo furis ah ayaa waxaa ay Ciidamadu ka wadaan deegaano duleedka ka ah magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi.

Waxaana la sheegay in Ciidamadu howlgalladaasi ay ku soo qab qabteen tiro dad ah oo lala xiriirinayo Xarakada Al Shabaab.

Saraakiil ka tirsan kuwa Jubbaland oo aan la xariirnay ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan howlgalladaasi.

Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo waxaa maalmihii dambe dhaq dhaqaaqyo xoogan ka waday Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ee ka howlgala gobolladaasi.