Ciidamo katirsan Militaryga Itoopiya ayaa saakay la wareegay Amaanka garoonka diyaaradaha magaalado Kismaayo, oo horay ay u sugi jireen ciidamada Kenya.
Militaryga Kenya oo mudo saldhigyo xoogan ku lahaa garoonka diyaaradaha Kenya ayaa saakay isaga baxay kadib markii ay qaateen amar kasoo baxay Midowga Afrika.
Sarkaal katirsan ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in Saraakiisha sar sare ee midowga Afrika ciidanka Kenya ay ku amreen iney ka baxaan garoonka Diyaaradaha.
Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo jimcihii lasoo dhaafay ka hadlay masjidka madaxtooyada Jubaland ee Kismaayo ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay faragelin ku hayaan maamulkiis islamarkaana aysan ka amar qaadan.
Ciidamada Itoobiya iyo ciidamada dowlada Faderaalka Somaliya ayaa lagu wadaa inay sugaan amniga doorashada madaxweynaha Jubaland oo dhawan la filayo inay ka dhacdo magaalada Kismaayo.
Garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa waxaa Isbuucyo ka hor ku dagaalamay ilaalada musharax Cabdi Naasir Seeraar iyo ilaalada Garoonka,waxaana musharixiinta qaarkood ay Hogaamiyaha Jubbaland ku eedeeyeen inuu Musharaxiinta caburin ku hayo.

