Home Warar Ciidamada dowladda Soomaaliya oo howlgal qorsheysan fuliyay

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo howlgal qorsheysan fuliyay

119

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo kala duwan oo Amniga lagu xaqiijinayay  kana dhan ah dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen degaano iyo degmooyin ka tirsan  gobolka Gedo.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen degaannada hanooy, maganeey, duuraay, dooryaanleey, caracaso iyo tuulooyin kale oo hoostaga degmada luuq ee gobolka Gedo.

Taliyaha Ciidanka Nabadsugida degmada luuq ee Gobolka Gedo Muqtar Maxamed Xasan oo howgalka hoggaminayay ayaa sheegay in ujeedkiisu uu ahaa inay xaqiijiyan Amniga degaannada hoostaga degmada luuq ee Gobolka Gedo.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Ciidamada ammaanka degmada ay sii wadi doonaan howlgalka ilaa ay Al-Shabaab ka saaraan degaannada hoostaga degmada luuq oo mararka qaar ay weeraro ka fuliyaan.

Degmada luuq ee Goboka Gedo ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan gobolka Gedo wallow mararka qaar Xubno ka tirsan  Al-Shabaab ay weerar ku qaadaan Saldhigyada Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM.