Friday, March 29, 2024
HomeWararCiidamada dowladda oo sameeyay howlgal Miino baaris ah

Ciidamada dowladda oo sameeyay howlgal Miino baaris ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 3-aad qeybta 27-aad Xoogga Dalka ayaa howlgal Amniga lagu xaaqiijinayay waxaa ay Maanta ka sameeyeen wadada u dhaxeysa degmada Balcad iyo Tuulada Qalimoow ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiisha holwgalka hoggamineysay ayaa ujeedkooda waxaa ay ku sheegeen in uu ahaa inay ka hortagaan miinooyinka ay wadada ku aasaan Ururka Al-Shabaab oo dhowr jeer ay ku waxyeeloobeen Askar iyo mas’uuliyiin.

Taliyaha guuto 3-aad qeybta 27-aad  Gaashaanle Sare Abshir Maxamud Maxamad Shataqeey ayaa sheegay in Ciidamada xooga ay qarxiyeen 5 Miino oo Al-Shabaab ku aaseen wadada xiriirisa degmada Balcad & Tuulada Qalimoow  ee G/Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale Taliyaha oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada Qalabka sida inay howlgalka sii wadi doonaan ilaa ay ka nadiifinayaan miinooyinka Al-Shabaab ku Aaseen Wadadaas.

Wadada xiriirisa degmada Balcad & Tuulada Qalimoow  ee G/Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay qaarxyo iyo weeraro toos ah oo ay ku waxyeeloobeen Saraakiil & Askar ka tirsan Dowladda Soomaaliya & mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe