Muqdisho: Ciidamada dowladda Federalka Soomaaliya oo taageero ka helay ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ayaa guulo ka gaaray dagaal ay la galeen kooxda Khawaarijta iyaga oo qabsaday deegaano cusub oo dhaca Gobalka Shabeelaha Dhexe.
Ciidamada Dowladda ayaa la wareegay deegaanka Ceel-Gub ee Gobalka Shabeelaha Dhexe kadib markii ay dhowr jiho ay ka weerareen, waxaana Al shabaab la gaarsiiyay khasaarbo culus.
Afayeenka Wasaaradda Gaashandhigga Xidigle Abuukar Maxamed Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la khaarijiyay 24 katirsan kooxda Argagixasada Al shabaab isaga oo xusay in 62 kamid ah Maleeshiyaadka Al shababaab in la dhaawacay.
Waxa uu afayeenka ku amaanay ciidanka dowladda geesinimada ciidanka xoogga dalka isaga oo ku bogaadiyay guulaha ay gaareen, waxaana uu tilmaamay iney sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyada oo uu xusay in laga sifeyn doono deegaano kale oo cusub dhawaan.
Taliska Xoogga Dalka ayaa sidoo kale ciidamada dowladda ku amaanay sida ay maalmo ka hor guulo uga soo hoyiyeen deegaanda kala ah War-ciise iyo Qoordheere oo kawada tirsan gobalka Shabeelaha Dhexe.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha Nabad Sugidda dalka Maxamed Cabdullahi Sanbaloolshe oo dhawaan booqasho ku joogay magaalada Moqokori ee gobalka Hiiraan ayaa halkaas kula hadlay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee u dhaartay iney iska dul qaadaan gumeysiga Khawaarijta ayaa waxa uu u sheegay in dowladda ay la garab taagan tahay saanad military,dhaqaale iyo waliba Raashiinkooda.
Cismaan Shiiraar oo kamid ah hogaanka ciidamada Macawisleyda oo aan kula hadlay Khadka Taleefoonka ayaa waxa uu ii sheegay in ballan qaadka ciidanka dowladda uusan inta badan fulin islamarkaana aysan jirin taageero dowladeed oo ay heleen Saddexdii bil ee ugu dambeysay, waxaana uu tilmaamay iney yihiin shaqsiyaad si iskooda ah isku abaabulay balse taageero ku fila naan ka helin dowladda, waxaana uu intaa ku daray in dowladda ay ku mashqulsantahay arrimo siyaasadeed halkii ay xooga saari laheyd dagaalka Khawaarijta.
Waxaa dhanka kale jirta in ciidamada dowladda oo ay la joogaan Taliyaha Xoogga Dalka General Odawaa Yusuf Raage iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) iney isaga soo baxeen degmada Aadan Yabaal ee Gobalka Shabeelaha Dhexe halkaa oo Bishii December 2022 ay qabsadeen ciidanka dowladda balse hadda ay si fudud uga baxeen, waxaana hadda gacanta ku haya kooxda Khawaarijta ee Al shabaab, walow ay dowladda wado dadaalo ay dib ula wareegeyso degmada Aadan Yabaal.
Ciidamada dowladda oo taageero ka helaya kuwa dadka deegaanka iyo saaxiibada Caalamka ayaa kordhiyay howlgallada lagu beegsanayo deegaanada ay al-Shabaab kaga sugan yihiin gobollada Mudug iyo Galgaduud, waxaana xusid mudan in ciidamadu ay dhawaan soo faarujiyeen fariisimaha qaar oo muhiim ahaa iyadoo xilligii la qabsanayay lagula wareegay dagaal qaraar.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 18 bil ka hor ku dhawaaqay inay dowladiisu bilaabeyso dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ka dhaca bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.
Kadib guulo hordhac ah oo ay gaareen ciidamadu kuwaas oo ay kula wareegeen deegno badan, ayaa waxaa dadka qaar ay sheegayaan in ciidamada dowladda ay xajin la’yihiin gacan ku haynta meelaha ay qabsadeen.
By: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Abdiaziz Loyal)

