Home Warar Ciidamada dowladda oo howlgal ka sameeyay wadada xiriirisa Jowhar & Balcad

Ciidamada dowladda oo howlgal ka sameeyay wadada xiriirisa Jowhar & Balcad

12

Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo amni xaqiijin ah ka sameeyeen wadada xiriirisa degmada Balcad & Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka ayaa ka dambeeyay, kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar jidgal ah ku qaadeen Gaadiid ay wateen Ciidamada dowladda, xilli ay marayeen inta u dhaxeysa degmada Balcad & degaanka Qalimow, waxana halkaasi ka dhacay dagaal kooban.

Ciidamada dowladda oo watay Gaadiidka dagaalka ayaa howlgalka waxaa ay ka sameeyeen Tuulooyinka ku teedsan Wadada xiriirisa Balcad iyo jowhar, kuwaas oo kala ah, gololeey, Isgoys, Ceelka Geelow & Raaxoy iyo degaano kale.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Millateriga ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka looga jawaabayay weerarkaas, isla markaana ay ku baadi goobayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo weerarka kusoo qaaday.

Saraakiisha ma shaacin dad ay kusoo qabteen howlgalka, waxaana inta badan meelaha howlgalka laga sameynayay ay ahaayeen dhul beereed iyo tuulooyin yar yar oo ay ku sugan yihiin dad Xoolo dhaqato ah.

Wadada xiriirisa degmada Balcad & Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa horay uga dhacay weeraro toos ah iyo qaraxyo ay ku geeriyoodeen mas’uuliyiin ka tirsan Hir-Shabeelle, xildhibaano iyo askar wallow bilihii la soo dhaafay ay yaraadeen weerarada.