Thursday, April 30, 2026
HomeWararCiidamada dowladda oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidamada dowladda oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidamada xooga Dalka Soomaaliyeed  ayaa  saacadihii laso o dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Balcad oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Degaannada howlgalka laga sameeyay ayaa waxaa kamid ah, Walamooy, Xaansholey, Basra, iyo daniga Baaloow , iyaga oo baadi goobaya Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminaya Taliye Cabdullaahi Mustafe Cali, waxana uu sheegay inay howlgalka Ciidamada ku burburiyeen fariisimo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in Dadka degaannada howlgalka laga sameeyay ay ahaayeen kuwo u dhibanaa Al-Shabaab, isla markaana ay aad ugu farxeen Ciidamada dowladda ee degaannadooda howlgalka ku tegay.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in howlgallada ay noqon doonan kuwo si joogte ah u socda ilaa iyo inta Al-Shabaab laga saarayo degaannada hoostaga degmada Balcad oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe