Home Warar Ciidamada dowladda oo Gacanta ku dhigay Nin dilay Xaaskiisa

Ciidamada dowladda oo Gacanta ku dhigay Nin dilay Xaaskiisa

42

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Ururka 53-aad Guutada 14 Oktoobar ayaa waxaa ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigeen Nin xaaskiisa ku diley tuulada Muur,Diinle kuna dhow deeganka Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen Cabduqadir Cali Axmed oo xaaskiisa oo lagu Magacaabi jirey khadiija Sheekh Nuur Cabdi oo ku dilay deegaanka sabiid iyo caanoole, kaas oo dilka kadib baxsaday.

Taliyaha Ururka 53-ee Guutada 14 Oktoobar Dhamme Daa’uud oo xaqijiyay in la qabtay Ninka dilay Xaasiisa ayaa sheegay in dilka uu yimid kadib markii uu muran soo kala dhax galay  Haweeneyda iyo seygeeda, isla markaana xilliga la dilayay ay laheyd Uur 8 Bilood ah, sidoo kalena ay ifka kaga tagtay 8 Carruur ah.

Sidoo kale taliyaha waxaa uu sheegay in maalmihii la soo dhaafaya ay Ciidamada baadi goobayeen Ninka dilay xaaskiisa markii la soo garsiiyay Warbixinta dilka, taas oo keentay in ugu dambeyn ay gacanta ku dhigaan.