Tuesday, May 26, 2026
HomeWararCiidamada dowladda iyo kuwa degaanka oo degaano la wareegay

Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka oo degaano la wareegay

Kadib howlgallo ay sameeyeen Ciidamada xoreenta deegaanka oo horkacayeen Cullimada degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud ayay kula wareegeen deegaano dhaca Gobolada Mudug iyo Galgaduud ee dowlad Goboleedka Galmudug.

Taliye ku xigeenka Ciidamada xoreenta deegaanka Macalin Cabdikariim oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay inay si nabadgeliyo ah Al-Shabaab ugala wareegeen degaannada Seego, Xinlabi, Baraag Ciise, Holdooyaale ee Gobolka Mudug iyo Qalaanqal, Galxaagare oo Galgaduud ah.

Deegaanadaan ayaa horey waxaa ugu sugnaa Ururka, waxaana si nabad ah kula wareegay Ciidamada deegaanka, kadib kolkii isaga baxeen Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaannadii lala wareegay ayaa sheegaya in howlgallo xoogan ay ka socdaan, iyada oo Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada

QORAALADA LA XIRIIRA

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe