Saturday, May 18, 2024
HomeWararDibaddaCiidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo howlgal qorsheysan ka sameeyey deegaano...

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo howlgal qorsheysan ka sameeyey deegaano ka tirsan gobolka Baay.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa deegaanka oo abaabulan oo loo yaqaano Macawisley ayaa howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab waxa ay ka sameeyeen deegaanka Sarmaan Dheere ee gobolka Baay.

Howlgal ay ciidamada ka sameeyeen deegaanka Sarmaan Dheere ayaa lagu guuleystay in lagu bartilmaameedsado saldhig ay Al-shabaab ku leeyihiin halkaas oo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda AS. Tirada saxda ah si rasmi ah looma shaacin.

War kooban oo ka soo baxay dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in ciidamada wadajirka ah ay xubno ka tirsan kooxda ku dileen deegaanka Sarmaan Dheere.

“Howlgalku wuxuu ka dhacay deegaanka Sarmaan Dheere ee gobolka Baay. Al-Shabaab ayaa la dilay halka qaarna nolosha lagu qabtay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda.

Howlgallada lagu dilay xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ayaa qeyb ka ah howlgallada adag ee ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka wadaan dalka, si dalka looga xoreeyo dagaalyahannada AS.

QORAALADA LA XIRIIRA

1 COMMENT

  1. Thank you for sharing such invaluable insights on your platform! Your content has been incredibly beneficial, and I’ll certainly be coming back for more. Keep up the excellent work!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe