Sunday, May 24, 2026
HomeWararDibaddaCiidamada dowlada iyo kuwo deegaanka oo howlgalka ka sameeyay magalada caad.

Ciidamada dowlada iyo kuwo deegaanka oo howlgalka ka sameeyay magalada caad.

Waqooyiga Magaalada Caad ee Gobolka Mudug Dowlad-Goboleedka Galmudug waxaa howlgallo xooggan ka sameeyay ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiislayda.

Ciidamadaan iskaashanaya ayaa si gaar ah howlgalka uga fuliyay deegaannada dhaca duleedka Magaalada Caad ee Gobolka Mudug gaar ahaan Cali-Dhaabe sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan Ciidanka howlgalka hoggaaminaya.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Dadka deegaanka ee Macawiislayda ayaa sheegay in ay kusii siqayaan deegaanno dhaca Miyiga Magaalada Caad Gobolka Mudug Dowlad-Goboleedka Galmudug si ‘AS’ looga qabsado.

Koofurta Gobolka Mudug Dowlad-Goboleedka Galmudug waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday howlgallo xooggan oo ay samaynayaan Ciidamada Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedkaas & Dadka Deegaanka ee Macawiislayda loo yaqaan.

QORAALADA LA XIRIIRA

216 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe