Monday, April 27, 2026
HomeWararDibaddaCiidamada DFS oo howlgallo kawada Gobollada Galgaduud, Shabeelaha Dhexe & Hiiraan.

Ciidamada DFS oo howlgallo kawada Gobollada Galgaduud, Shabeelaha Dhexe & Hiiraan.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Dadka Deegaanka ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Deegaanno katirsan Gobollada Galgaduud, Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ee Dowlad-Goboleedyada Galmudug & Hir-Shabeelle.

Ciidanka gaarka u tababaran ee Kumaandooska DANAB ayaa saacadihii u dambeeyay heegan la geliyay kaddib markii howlgallo ballaaran ay ka billowdeen deegaanno dhaca Bariga Gobolka Galgaduud ee Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa sheegay in sababta heegankaas loo geliyay ciidanku ay tahay si ay uga hortagaan weerarro ka imaan kara ‘AS’ iyo in ay isaga kala gudbaan xadka ay wadaagaan gobolladaan.

Saacadihii lasoo dhaafay weerar duqeyn ah ayaa ka dhacay Gobolka Galgaduud gaar ahaan Magaalada Galhareeri, Dowladda Federaalka waxa ay sheegtay in saddex qayb oo saldhigyo ‘AS’ ah lagu beegsaday duqeyntaas.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe