Thursday, April 18, 2024
HomeWararCIIDAMADA DF ay gaysay Gedo oo qabsaday deegaano

CIIDAMADA DF ay gaysay Gedo oo qabsaday deegaano

Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay deegaano dhaca duleedka degmada Garbahaaray ee gobolka Gedo kale wareegeen dagaalyahanada Al-Shabaab ka dib howlgalo ciidanka ammaanka ay ka sameeyeen gobolka Gedo.
Saraakiisha Dowladda ayaa sheegay in ay dagaal la’aan kula wareegeen deegaanada Doofaareey, Kooradheer, Booco, Qalwo, Bakaaro iyo Fargeeleey oo dhammaantood hoostaga degmada Garbahaaray ee gobolka Gedo.
Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo laba Xidigle Maxamed Jaamac Gaaciye ayaa sheegay in degaannada ay howlgalka ka fuliyeen ay isaga tageen Al-Shabaab kadib markii ay ka war heleen in ay kusoo wajahan yihiin.
Waxaa uu sheegay in u jeedka howlgalkoodu ahaa “ka hortaga weerarada ay bisha Ramadaan geystaan Al-Shabaab iyo in ay dadka Shacabka ah ka qaadaan Xoolo Nool, iyaga oo ku sheegaya in ay tahay Zakawaad” sida uu u sheegay warbaahinta dowladda.

Ciidamadda ay dowladda Faderaalka Soomaaliya gaysay gobolka Gedo, ayaa howlgallo sidaan oo kale ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo, inkastoo Al Shabaab ay dib ula wareegeen markii ay dib uga bexeen ciidanka amaanka Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe