Tuesday, May 26, 2026
HomeWararCiidamada Booliska oo howlgal dad lagu qabqabtay ka sameeyay Muqdisho

Ciidamada Booliska oo howlgal dad lagu qabqabtay ka sameeyay Muqdisho

Waxaa xalay Ciidamada Booliska Soomaaliya howlgallo Amniga lagu xaqiijinayay ay ka sameeyeen 5-ta waaxood oo ay ka kooban tahay Degmadda Kaaraan ee Gobolkan Banaadir, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhacayeen falal Amni darro.
Howlgalka oo uu horkacayay Taliyaha Cusub ee Ciidamada Booliska degmada Kaaraan Salaad Caraale ayaa waxaa uu ahaa mid Guryaha lagu baarayay, sidoo kalena dadka laga soo aruurinayay Guryaha iyo waddooyinka.

Intii uu howlgalka socday ayaa waxaa ay Ciidamadu qabteen dhalinyaro farabadan, kuwaas oo oo qaarkood guryaha laga soo saaray walow badi la siidaayay, waxaana Goob fagaaro ah kula hadlay Saraakiisha Ciidamada, iyaga oo ugu baaqay inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga.
Saraakiisha Ciidamada Booliska Kaaraan ayaa waxaa ay sheegeen in Goobaha ay ciidamada ka fuliyeen Hawl-gallada ay ahaayeen Goobo inta badan ay joogaan Kooxaha Dadka dhaca iyo kuwa loo yaqaan Ciyaal weerada, isla markaana Ciidamada ay gacanta ku dhigeen qaar kamid ah dhalinyarada Ciyaal weerada.
Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa kusoo badanayay xaafado ka tirsan degmada Kaaraan kooxo burcad hubeysan ah, kuwaas oo dadka dhac u geeysanaya, iyada oo ay sidoo kale dileen dad badan oo ay dhacayeen.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe