Home Warar Ciidamada Badda Soomaaliya Oo u Dabaal Dagay 54-sanad Guuradii Kasoowareegatay Aasaaskooda

Ciidamada Badda Soomaaliya Oo u Dabaal Dagay 54-sanad Guuradii Kasoowareegatay Aasaaskooda

97

Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha  ee xoogga dalka Soomaaliyeed, Waxaa la aas-aasay 10-kii bishii February sanadkii 1965-kli Waxaana ay Maanta u Dabaaldagayaan 54-Sanad Guuradii Kasoowareegatay Aasaaskooda.

Waxa ay Kahawlgalaan Xeebaha iyo Biyaha Soomaaliya in Kasta oo Awoodooda aysan Xiligaani Gaarsiisnayn Heerkii Loobaahna.

Waxa ay Ladagaamalaan Burcada Qafaalata Maraakiibta Kusafraysa Biyaha Soomaaliya iyo Kuwa Sharcidarada uga Kaluumaysta Biyaha in Kasta Oo ay Awoodooda oo Yar sababtay in Loobaahdo Dawlado Shisheeye Oo Ilaaliya Biyaha Soomaaliya Oo Dawladaha Qaarkooda Kusooshubaan Wasaqda Amaba Waxyaabaha Kiimikada ah Ee Kashasha Warshada ay isticmaalaan.

Madaxda Dawlada Soomaaliya ayaa Hablanyo Ku aadan Sanadguuradooda 54-aad u diray Ciidamada Bada iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya .

Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Daahir Aadan Cilmi indho Qarsho ayaa dhankiisa Hablayada iyo Dabaaldaga Sanadguurada Nusqarniga iyo 4-Sano ah Lawadaagay Ciidamada Bada Soomaaliya.

Waxaan u Hambalyeynayaa  Admiraalada, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, dableyda, Alifleyda Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed Munaasabadda Sanadguurada 54aad ee Ciidanka badda” ayuu yiri Sarreeye gaas Daahir Aadan  Cilmi Indhaqarshe

Sanada Kasta 10-Ka Bisha Feberuary ayay Ciidamada Badan Badda Soomaaliya u Dabaal Dagaan Maalinta Xuska Aasaaskooda oo Kubeegneed 10-Feberuary Sanadii 1965-tii.