Thursday, August 20, 2026
HomeWararDibaddaCiidamada ATMIS oo ka Guuray Xarumaha dowlada ee Baladweyne ka dib markii...

Ciidamada ATMIS oo ka Guuray Xarumaha dowlada ee Baladweyne ka dib markii…

Ciidamada ATMIS Gaar ahaan kuwa  dalka Jabuuti ayaa iskaga guuray manta Guud ahaan Xerada Lama-galaay oo mudo 14 sano ka badan ay daganaayeen xerada gudahda . Sababta ugu weyn ee ay  ugu guureyn Xerada ayaa ah is qab qabsiga Maamul ee ka jiro Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan.

 

Ciidamadan ayaa si gaar ah u ilaalin jiray Xarumaha Dowlada ee ku yaalla Xerada Lama-galaay , Gaar ahaan Xarunta Maamulka Gobolka, Kan Degmada, Maxkamadaha iyo kuwa kale oo ku yaallay xerada lama-galaay.

 

Xerada Lama-galay  ee magaalada baladweyne  waxaa Hada ku sugan Ciidamo kala Taabacsan Maamulka Hirshabeelle, Kuwa Hiiraan State ah iy Kuwa Xooga dalka Soomaaliya ah. Xiisad aad u Culus ayaa manta ka jirto magaalada baladweyne.

 

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi axmed Maalin Sufuroow iyo Ciidamo uu hogaaminayo ayaa manta laga hor-istaagay in ay galaan Xerada Lama-galaay, halkaasi oo saldhig ay ku leeyahiin Ciidamo taabacsan kuwa Hiiraan State ah.

 

Ilo ku dhow Ciidamada Jabuuti ee manta ka baxay Xerada Lama-galaay ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada Amaanka Xerada lama-galaay Sugayay ay ku Jah-wereeren  Ciidamada Deegaanka ee Macawisleeyda loo yaqaano oo Xerada Buux dhaafiyay bilahii ugu dambeeyay kuwaas oo wato Hub aad u Culus, taasi oo Amaan daro darted sababtay in ugu dambeeyn ay ka guuraan xeradaasi ciidaamda jabuuti,

 

 

Magaalada Baladweyne  Amaankeda   ayaa aad u xumaaday Mudooyinkii dambe waxaana Magaalada Buux dhaafiyay Maleeshiyaad Hubeeysan oo ay siyaasiinta Maamulka Hirshabeelle kasoo Horjeedo ay wataan.

Maamulka Hirshabeelle ayaa ku guul-dareeystay in ay Xaliyaan Mucaaradka Cusub ee Baladweyne ka abuurmay dhawaan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe