Sunday, February 9, 2025
HomeWararCiidamada amniga Puntland oo dib u la wareegay degaano kuyaala Sanaag oo...

Ciidamada amniga Puntland oo dib u la wareegay degaano kuyaala Sanaag oo Al-shabaab maalmo kooban haysteen

Ciidamada badda Puntland qeybtooda la dagaalanka argigixisada ayaa dib ula wareegay degaano kuyaala gobolka Sanaag oo ay maalmo ka hor  ay qabsadeen dagaalamayaal kooxda Al-shabaab.

Bayaanka kooban oo kasoo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in ciiddamadu hawlagallo qorshaysan ka sameeyeen buuralayda Calmadow, iyagoo tagay deegaanada Xidid iyo Milxo oo ay Al-shabaab dhaqdhaqaaqyo ka wadeen.

Ciiddamada ayaa ku raad jooga dad la sheegay in ay Al-shabaab ka afduubteen degaanka, dadkaas oo ahaa kuwa ka shaqeysta macdan baarista.

Ciiddanka ayaa kulamo la qaatay dadka degaanka iyagoo ka codsaday in ay usoo gudbiyaan wixii xog ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada Al-shabaab.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe