Wednesday, November 29, 2023
HomeCayaarahaChelsea Oo Wadnaha Farta Ku Haysa Kaddib Dhaawaca Reece James – Immisa...

Chelsea Oo Wadnaha Farta Ku Haysa Kaddib Dhaawaca Reece James – Immisa Bilood Ayuu Maqnaanayaa?

Natiijadii la sugayay ee baadhitaanno lagu sameeyey kabtanka cusub ee Chelsea ee Reece James oo dhaawacmay ayaa soo baxday, waxaana argagax uu ku dhacay Mauricio Pochettino oo ka fiirsanaya inuu dib ugu laabto suuqa iibka ciyaartoyda oo uu raadsado difaac midig oo kale.

ADVERTISEMENT

Reece James oo beddel ku baxay qaybta dambe ee kulankii Axaddii ee Liverpool ayaa muruqa uu dhaawac ka gaadhay, balse natiijada ayaa ka duwanaatay sidii uu filayay Pochettino oo hore usii sheegay in aanu dhaawac ahayn laacibkan balse uu daallanaa.

Sida ay warbaahinta Ingiriisku sheegayso, sawirradii laga qaaday James ayaa waxay muujiyeen in uu dhaawac weyn oo dillaac muruqa ah uu soo gaadhay, waxaana la rumaysan yahay in dhaawacu uu soo bilowday tababarkii ka horreeyey kulankii Liverpool kaddibna uu dillaac sameeyey markii uu kusoo bilowday ciyaartaas.

Chelsea ma aanay sheegin muddada uu garoomada ka maqnaanayo, hase yeeshee khubarada takhasuska ku ah dhaawacyada noocan oo kale ah ayaa sheegtay in uu Reece James muddo dhawr bilood ah ka maqnaan doono garoomada.

ADVERTISEMENT

James ayay u tahay markii shanaad ee dhaawac dillaac muruqa ah uu ku yimaaddo tan iyo xilli-ciyaareedkii 2021-22, iyadoo isugeyn dhaawacyada soo gaadhay laga soo bilaabo waqtigaas ay noqonayaan 11 dhaawac oo uu ku jiro mid jilibka kasoo gaadhay bishii September ee sannadkii hore oo uu ku seegay koobkii adduunka ka hor intii aanu mar kale dib usii dhaawacmin bishii December oo uu garoomada kusoo laabtay, waxaanu dhaawacaas u jiifay illaa dhamaadka xilli-ciyaareedkii tegay.

QORAALADA LA XIRIIRA

1 COMMENT

  1. Greetings from California! I’m bored to death at work so I decided to check out your site on my iphone during lunch break. I enjoy the knowledge you present here and can’t wait to take a look when I get home. I’m amazed at how quick your blog loaded on my phone .. I’m not even using WIFI, just 3G .. Anyways, very good blog!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe