Waxaa cabsi xooggan laga muujinayaa saameynta taban ee ka dhalan karta Daadadka roobka Dayrta iyo fatahaad ay sameyn karaan Webiyada Jubba & Shabeelle iyada oo Dadka degen hareeraha Webiyadaas loogu baaqay in ay feejignaan dheeraad ah ay muujiyeen.
Saacadihii u dambeeyay waxaa Muqdisho iyo deegaanno kala duwan oo ka kala tirsan Dowlad-Goboleedyada ka dhacay kulamo looga arrinsanayay sidii loogu gurman lahaa Dadka ay saameynta taban ku reebeen Daadadka.
Ganacstada iyo Xukuumadda Federaalka ayaa isla gartay in ay iska kaashadaan sidii gurmad degdeg ah loogu heli lahaa Dadka ku dhibaateysan Magaalooyin ka kala tirsan Dowlad-Goboleedyada Jubbaland, Koofur Galbeed & Hir-Shabeelle.
Inkasta oo ay saameynta Daadadku ku kala badan yihiin deegaannada haddana waxa ay ka mideysan yihiin qoysaska ka barakacay guryahooda ee haatan ku sugan meelo aanay ku habbooneen in ay kusii noolaadaan.
Waxyaabaha ugu horreeya ee laga fikirayo waa in la helo waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha sida Cunno, Biyo nadiif ah, Hoy ay degaan iyo dib u dejin kooban oo Dadkaan loogu sameeyo meelaha loo arko in ay ka xadidan yihiin Daadadka.
Ilo kala duwan ayaa Mustaqbal u sheegay in mas’uuliyiin heer Federaal & heer Dowlad-Goboleed ay ku wajahan yihiin magaalooyinka Baydhabo, Qansax dheere & Buurhakaba oo Koofur Galbeed ah, Baardheere & Luuq oo Jubbaland iyo Magaalada Baladweyne oo Hir-Shabeelle katirsan.

