Cabdullaahi Maxamed Nuur oo kamid ahaa siyaasiyiinta sida dhow u taageersanaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay Madaxtooyada, kaas oo ahaa la-taliyaha Madaxweynaha.
Qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ayuu Cabdullaahi ku sheegay in go’aanka iscasilaaddiisa uu qaatay kadib markii ay isku fahmi waayeen Madaxweynaha xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo jihada loo wajahayo marxaladda kala guurka ah.
Wuxuu xusay in khilaafkaasi uu salka ku hayo arrimo siyaasadeed oo uu aaminsan yahay inay horseedi karaan xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni.
“Waxaan maanta, oo ay taariikhdu tahay 26-ka April 2026, iska casilay xilkii la-taliyaha sare ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Go’aankan waxaan qaatay anigoo tixgelinaya caqabadaha iyo is-mariwaaga siyaasadeed ee adag ee dalka ka jira, kuwaas oo horseedi kara xasillooni-darro siyaasadeed iyo mid amni.” ayuu siyaasigaan ku yiri qoraalkiisa.
Sidoo kale, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa tilmaamay in muddo xileedka hay’adaha dowladda Federaalka uu ku egyahay 15-ka bisha May 2026, isagoo sheegay in loo baahan yahay in si degdeg ah loo wajaho xal siyaasadeed oo mideyn kara dhinacyada kala duwan si looga baaqsado qalalaase hor leh.
Iscasilaaddiisan ayaa kusoo aadeysa xilli dalka uu wajahayo xiisado siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka iyo mustaqbalka dowladnimada, horey waxaa garbaha Madaxweynaha uga baxay Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo ahaa Xoghayihii Xisbiga JSP ee Madaxweynaha uu hogaamiyo iyo Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo horey usoo noqday Taliyihii NISA si weyna u taageersanaa Siyaasadda Xasan Sheekh Maxamuud.

