Wednesday, May 27, 2026
HomeWararCabdiraxmaan Odawaa oo markale ku guuleystay Kursiga Golaha Shacabka

Cabdiraxmaan Odawaa oo markale ku guuleystay Kursiga Golaha Shacabka

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa ka socda doorashada Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, iyada oo kursiga Koowaad la doortay.

Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay HOP#069 ee golaha shacabka, isaga oo helay 97 cod oo ah kooramka ergada fadhisay.

Kursiga Hop#069 ayaa waxaa doonayay in uu u tartamo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Alcadaala balse tartanka uu isaga haray.

Maanta ayaa qorshuhu yahay in Magaalada Gaalkacyo lagu doorto ilaa Saddex kursi oo kamid ah Golaha Shacabka, waxaana harsan laba kursi oo kaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe