Dagaalamayaal ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee Shay qarxiyay mid ka mid ah Buundooyinka loo maro degmada Qoryooley oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Buundadan ayaa si gaar ah u dulmarta Kanaanlka la yiraahdo BirimoSugantario oo waraabiya Beeraha ku yaalla deeganaada ku dhaw degmada Qoryooley ee gobolkaasi.
Masuuliyiinta gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in AlShabaab ay Miino ku xireen Buundada, kadibna ay qarxiyeen, sidaasina ay ku burburtay Buundada.
Masuuliyiintu Waxaa Ay sidoo sheegay in halkaasi ay baxeen ciidamo ka tirsan dowladda, wixii ka soo baxana ay dib ka soo sheegi doonaan.
Buundadan ayaa waxa ay aheyd Buundo ay isticmaalaan shacabka gobolka ku safra gaar ahaan Beeraleyda, sidaasi darteeda maamulka ayaa sheegay iyaga oo ka duulaya in la go’doomiyo degmada Qoryooley inay si deg deg ah u dhisi doonaan Buundadaasi.