Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyey Nin ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo ay Ciidanka toogteen kaddib markii uu dil u geystay Askari ka tirsan Ciidanka Minishiibiyada.
Falkaan ayaa waxaa uu xalay ka dhacay Xaafada degaanka Garas baaleey ee duleedka Muqdisho gaar ahaan Xaafada Waaxda Saddexaad ee Geedi Firdhiye, iyada oo Booliska ay soo bandhigeen Bustooladii uu Askariga ku dilay iyo Camera uu watay.
Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Cabdi Fitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in Askariga la dilay xilli uu ku guda jiray howlihiisa Shaqo ee caadiga ah, isla markaana Ciidamada Booliska ee Goobta ka agdhawaa ay toogteen Ninka katirsan Al-Shabaab ee dilka geystay.
Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray inay Ciidamada Booliska diyaar u yihiin inay markasta ka hortagaan kuwa geeysanaya falalka Amni darro, sidoo kalena ay kordhinayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa waxaa markasta ka dhaca dilalka loo geysto Askarta iyo dadka la Shaqeeya dowladda, waxaana mas’uuliyadda dilkaas intooda badan sheegta Ururka Al-Shabaab.

