Tuesday, April 21, 2026
HomeWararBooliska Soomaaliya oo faah faahiyay khasaaraha ka dhashay qaraxa Muqdisho

Booliska Soomaaliya oo faah faahiyay khasaaraha ka dhashay qaraxa Muqdisho

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa faah faahin horudhac ah ka bixiyay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qarax ismiidaamin ahaa oo Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho.
War kasoo baxay Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in Caawa qof isku soo xiray waxybaaha qarxa uu isku qarxiyay goob shaah laga cabo, oo dhalinyaro isugu timaado, isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen lix Ruux oo isugu jira Afar Dhalinyaro ah cunug yar oo saqiir ah iy qofkii is qarxiyay halka ay ku dhaawacmeen Afar qof oo kale.
Hoos Ka Akhrsio qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya.
Caawa abaare 19:00 fiidnimo, ayaa naftii halige isku qarxiyay goob shaah laga cabo, oo dhalinyaro isugu timaado, qasaaraha qaraxa ayaa ah 6 dhimasho ah (4 Dhalinyaro ah, 1 wiil saqiir ah iyo naftii haligihii) iyo dhaawaca 4 kale, barxada 5ta geed ee agagaarka Saldhiga Boliiska Degmada Shangaani.
Alaha u naxariisto Ummadda aan waxba galabsan oo argagaixisadu weerartay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe