Wednesday, April 29, 2026
HomeWararBooliska Somaliland oo sameeyay howlgallo dad lagu qabqabtay

Booliska Somaliland oo sameeyay howlgallo dad lagu qabqabtay

Ciidamo ka tirsan booliska Soomaliland ayaa waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo bilihii la soo dhaafay ay ka dhaceen falal Amni darro.
Ciidamada ayaa howlgalka waxaa ay ka sameeyeen xaafadaha qaar ee Magaalada Laas-caanood, iyaga oo sidoo kale wadooyinka ku baarayay Gaadiidka yaryar, halka mararka qaar muraayadaha madow ay ka fiiqayeen.

Dad ku sugan Magaalada laas-caanood ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada ay howlgalka ku qab qabteen dad farabadn, kuwaas oo la geeyay Saldhiga Booliska Magaalada laas-Caanood.
Saraakiisha Ciidamada Soomaliland ee Magaalada laas-Caanood weli faah fahin kama bixin howlgalalda iyo dadka lagu soo qabtay, hayeeshee dhowr jeer ayay sheegeen inay sameyn donaan howlgallada si amniga loo sugo.
Magaalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo qaarkood loo geystay askar, waxaana weli jirin cid sheegatay mas’uuliyada dilalkaas.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe