Tuesday, May 5, 2026
HomeWararBooliska Minneapolis oo xiray Nin Haweeney Somali ah dilay qashina ku riday...

Booliska Minneapolis oo xiray Nin Haweeney Somali ah dilay qashina ku riday Meydkeeda

Ciidamada Booliska Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa waxaa howlgalnay sameeyeen ay ku qabteen Nin Soomaali ah, kaas oo la sheegay in uu dilay Haweeneey Soomaali ah, kadibna meydkeeda uu qashinka ku riday

Ninka dilka geystay ayaa waxaa lagu Magacaabaa Guuleed Axmed Cabdilaahi, oo 23 jir ah, waxaana lagu xiray Xabsiga Degmada Hennepin si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Magaalada Minneapolis ayaa waxaa ay sheegeen in dhibanaha iyo qofka la tuhunsan yahay ay is yaqaaneen, laakiin haweeneyda la dilay ayaan weli si rasmi ah loo aqoonsan.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilka Muwaadinka Soomaaliga ah uu Magaalada Minneapolis ugu geeystay Haweeneyda Soomaalida ah, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Ninka uu isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Minneapolis waxaa ay sheegeen in dilkaan uu yahay darajada labaad, isla markaana Ninkaasi ay Maxkamad horgeyn doonaan si loo xukumo.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe