Home Warar Booliska Minneapolis oo toogtay Muwaadin Soomaali ah

Booliska Minneapolis oo toogtay Muwaadin Soomaali ah

285

Ciidamada Booliska Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minasota ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ay toogasho ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed, xilli uu ku sugnaa halka ay iska galaan Wadada Siger iyo leg-street.

Jeylaani Xuseen oo Madax ka ah Hay’ad u dooda dadka Muslimiinta ah ayaa sheegay  in Ciidamada Booliska ay rasaas ku fureen Gaariga uu watay muwaadinka Soomaaliyeed, sidaasina uu ku dhintay.

Lama oga weli sababta keentay dilka ay muwaadinka Soomaaliyeed, hayeeshee Taliyaha Booliska Magaalada Minneapolis uu sheegay in markii hore Gaariga uu watay Ninka Soomaaliga ah ay rasaas kasoo dhacday, sidaasina Ciidamada ay rasaasta ugu fureen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Taliyaha uu cadeeyay in Maalinta berito ah ay soo bandhigi doonaan muuqaal la duubay oo ku saabsan sida uu falka u dhacay, si loo helo cadeymaha sababta keentay dilka.

Goobta muwaadinka Soomaliyeed lagu dilay ayaa waxaa isugu soo baxay dad isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, kuwaas oo aad uga xumaaday dilka muwaadinka Soomaaliyeed, iyaga oo dalbanayay in uu cadaalad helo.

Magalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa waxaa horay uga dhacay dilal loo geystay dadka Madowga ah oo uu kamid ahaa Nin Madow ahaa oo lagu Magacaabi jiray George Floyd, kaas oo dilkiisa ay ka dhasheen banaanbaxyo rabshado watay.