Thursday, January 16, 2025
HomeWararDibaddaBooliiska oo shaaciyay goobta laga soo tuuray Hoobiyaashii Muqdisho saakay lagu garaacay

Booliiska oo shaaciyay goobta laga soo tuuray Hoobiyaashii Muqdisho saakay lagu garaacay

Waxaa saakay tiro hoobiyaal ah kusoo dhaceen xaafado katirsan magaalada Muqdisho, hoobiyaashaasi mid kamid ah ayaana khasaaro xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac gaarsiiyay qoys Soomaaliyeed.

Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya Sadiiq Doodishe oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay hoobiyaashii saakay ku dhacay xaafado katirsan Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay.

Waxa uu sheegay afhayeenka in hoobiyaasha saakay kusoo dhacay xaafado katirsan Muqdisho laga soo tuuray goof kuyaalla Waaxda Barwaaqo ee degmada Dayniile, waxa uuna xusay in ciidamada soo xireen qof ay ku tuhmayaan in uu lu lug lahaa weerarkaasi.

Afhayeenka ayaa sheegay in hoobiyaasha saakay kusoo dhacay magaalada Muqdisho midkood uu sababay in ay ku geeriyoodaan aabbe iyo labo carruur ah uu dhalay oo deganaa Waabari, halka hooyada qoyskaasi iyo carruur kale ku dhaawacmeen.

Ciidamada booliiska ayaa dhawwaan qabtay hoobiye laga soo tuurayay deegaanka Garasbaaley, waxa ayna ciidamada xireen nin ay sheegeen in uu hoggaaminayay weerarkaasi.

QORAALADA LA XIRIIRA

8 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe