Madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka ayaa sheegay in Dalkiisa uu bilaabay dhabbaha kasoo kabashada xannuunka Covid-19 oo Dalkaas ka dhigay waddanka koowaad ee ugu dhimashada, Kiisaska & bogsashada badan ee Caalamka.
Biden oo Xafiiska qabtay 20-kii Janaayo 2021 ayaa sheegay in Dowladdiisa ay dardar-gelineyso dagaalka ka dhanka ah faafitaanka Covid-19 oo galaaftay Nolosha Nus milyan ruux 543,721 (Shan boqol, afartan & saddex kun, todobo boqol, labaatan & Koow) ruux, halka kiisaska guud ay yihiin 29,925,902 (Labaatan & sagaal milyan, sagaal boqol, labaatan & shan kun, sagaal boqol & labo) ruux.
Joe Biden oo markii xafiiska uu la wareegayay Mareykanka uu majaha kula jiray xaalado caafimaad, shaqo la’aan, xayiradda bulshooyinka kala duwan ee dalkaas taga & kuwa ka safra ayaa haatan bilaabay olole ka dhan ah faafitaanka fayruska.
Bisha May 2021 waxa uu sheegay in Mareykanka uu helayo tallaal guud ahaan Muwaadiniinta gaara si ay u qaataan una helaan difaaca jirkooda oo awood u helaya kahortagga fayruska oo halis gelin kara noloshooda sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynaha Mareykanka oo ka gilgilanaya Booska Mareykanka uu ka galay kiisaska ugu badan ee Covid-19 guud ahaan Caalamka ayaa shacabkiisa oo uu kala hadlay Teleefishinka waxa uu ku wargeliyay in ay garab istaagaan ololihiisa ciribtirka Covid-19.
4-ta July waxa ku beegan tahay Madax bannaanida Mareykanka markii uu qaatay, waxaana Joe Biden uu ku aadiyay rajadiisa soo afjaridda Coronavirus maalintaas u gaarka ah Muwaadiniinta Ameerikada Midowday.

