Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa maanta kasoo muuqday Maxkamad ku taalla Magaalada Tel Aviv, waxaana loo haystaa in uu ku dhaqaaqay Musuq, Laaluush & ku takrifal awoodeed sida lagu sheegay war lagu baahiyay Jannalka 12.
Kiiskaan waxa uu soo furmay sanadkii 2019kii waxaana si toos ah loo galay sanadkii xigay waa 2020 halka 2024 ay xooggaysteen kiisaska loo haysto oo waxaa kusoo kordhay xasuuqa iyo xayiraadda bani aadamnimo ee Gaza uu ka gaystay.
Netanyahu waxaa waaran soo xiritaan ah u jartay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC oo dalalka axdiga maxkamaddaas saxiixay ku wargelisay in ay soo qabtaan kuna soo simaan gacanteeda si loogu ciqaabo dambiyadaas uu gaystay.
Arrinta hadal haynta dhalisay waxa ay noqotay kaddib markii uu codsaday in lasoo gaabiyo Maxkamadayntiisa maadaama arrimo dhinaca amniga ah ay jiraan oo suuragal ay tahay in lasoo weeraro loosoo gaabiyo fadhiga oo ugu dambayn soo jeedintaas la qaatay.
Waxaa Warbaahinta laga joojiyay in ay si toos ah usoo tabiyaan fadhiga Maxkamadda waxaana keliya loo ogolaaday in ay duubaan oo ay baahiyaan marka fadhiga uu soo idlaado si aanay loo beegsan goobtaas sida ay ku warrameen ilo amni.

