Cabsi xooggan ayaa laga soo sheegaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kaddib markii habeenkii xalay laga maqlay rasaas ka dhacaysa qaar ka mid ah xaafadaha magaalada, iyadoo sidoo kale baraha bulshada lagu faafiyay muuqaallo muujinaya dad badan oo ku sugan ama buux dhaafiyay qaar ka mid ah masaajidda magaalada.
Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in xaaladda amni ay saameyn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa shacabka, iyadoo qaar ka mid ah dadka deegaanka ay habeenkii ku hoydeen masaajidda, halka kuwo kalena ay carruurtooda iyo qoysaskooda kala gooshayeen waddooyinka magaalada iyagoo raadinaya meelo ay ammaan ku dareemaan.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in cabsi ay ku abuurtay joogitaanka ciidamo hubeysan oo lagu arkay xaafado ka tirsan Baydhabo. Ciidamadan ayaa wararka qaarkood lagu tilmaamay inay yihiin kuwo ka tirsan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen,
Sida ay sheegayaan wararka qaar a, rasaas ayaa xalay laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Baydhabo, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen in xaaladdu ay abuurtay cabsi iyo walaac xooggan.
Wararka qaarkood ayaa sidoo kale sheegaya in agagaarka Suuqa Xoolaha aysan si buuxda gacanta ugu jirin laamaha amniga, isla markaana la arkayay rag hubeysan oo ku dhex wareegaya goobaha qaar.
Waxaa la sheegay in raggaasi ay shacabka kula taliyeen inay raadsadaan meelo gabaad ah, arrintaas oo sii kordhisay cabsi ay dadka deegaanka ka qabaan in magaalada ay ka dhacaan iska horimaadyo ama rabshado kale.
Muuqaallo iyo sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dad badan oo ku sugan masaajiddo ku yaalla magaalada Baydhabo.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaar ka mid ah shacabka, gaar ahaan qoysaska ay ku jiraan haween iyo carruur, ay masaajidda u tageen inay ka fogaadaan meelaha ay ka maqleen rasaasta ama ay ku arkeen dhaq-dhaqaaqyada ciidamada hubeysan.
Xaaladdan ayaa muujinaysa heerka uu gaarsiisan yahay welwelka shacabka, iyadoo dadka qaarkood ay doorbideen inay habeenkii ka fogaadaan guryahooda ama waddooyinka ay u arkaan inay khatar ka jirto.
Dhanka kale, wararka ka imaanaya duleedka Baydhabo ayaa sheegaya in duqeyn laga soo sheegay deegaanka Buulo Fulaay, oo ku yaalla meel ka baxsan magaalada.
Waxa ugu weyn ee hadda walaaca gelinaya shacabka waa in xaaladdu aysan isu beddelin iska horimaad ballaaran oo gudaha magaalada ka dhaca, taas oo khatar weyn ku noqon karta dadka rayidka ah iyo adeegyada muhiimka ah.
Baydhabo ayaa sidaas ku jirta xaalad feejignaan iyo cabsi ah, iyadoo shacabka ay sugayaan in la helo war rasmi ah oo caddeeya waxa magaalada ka socda iyo tallaabooyinka ay laamaha amniga qaadayaan.

