Home Warar Barakac Xooggan Oo Ka Bilowday Magaalada Jowhar.

Barakac Xooggan Oo Ka Bilowday Magaalada Jowhar.

359

Waxaa saacadihii la soo dhaafay Wabiga Shabelle Fatahaado xoogan uu ka sameeyay qeybo ka mid ah magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wabiga ayaa ku Fatahay Xaafadda Hantiwadaag iyo meelo kale oo ka mid ah magaaladaasi.

Barakac xoogan ayaana ka bilowday Xaafado ka tirsan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/ Dhexe, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyin ka tirsan maamulka HirShabelle.

Fatahaada Wabiga Shabelle uu sameeyay ayaa timid, kadib markii saacadihii la soo dhaafay Roobab xoogan ay ka da’een halkaasi.

Horay waxa ay Fatahaadaha Wabiga Shabelle u saameeyeen M/ Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo badi dadkii daganaa ay isaga barakaceen gudaha magaaladaasi.