Thursday, April 30, 2026
HomeWararBarakac ka bilaawday degaano ka tirsan Gobolka Gedo

Barakac ka bilaawday degaano ka tirsan Gobolka Gedo

Wararka naga soo gaaraya dagmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo aya waxaa ay sheegayaan in cabsi ay soo food saartay Shacabka halkaasi ku dhaqan ayna kabarakacayaan, iyaga oo ka cabsi qaba in marka kale uu halkaasi uu dagaal ka dhaco
25-kii Bishaan dagaal xoogan oo ka dhacay degmada Beledxaawo ayaa khasaaraha ugu badan waxaa uu kasoo gaaray qaar kamid ah Shacabka ku nool degmadaasi Beledxaawo.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee dhinaca Dowladda Axmed Buulle Gareed ayaa sheegay in barakaca Shacabka Beledxaawo at keentay hanjabaadii Wasiirka Amniga Jubbaland ay aheyd inay weerarayaan Beledxaawo.
In kastoo xaalada degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ay tahay mid degan ayaa hadana Bulshada Magaalada ayaa waxaa ay qabaan cabsi ku aadan in markale dushooda lagu dagaalamo.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe