Friday, March 29, 2024
HomeWararBanaanbax looga soo horjeeday Farmaajo oo ka dhacay Muqdisho

Banaanbax looga soo horjeeday Farmaajo oo ka dhacay Muqdisho

Banaanbaxa oo ay dhigayeen dad Shacab ah oo la soo abaabulay ayaa xalay ka dhacay degmoouin ka tirsan Gobolka Banaadir, waxaana looga soo horjeeday Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay muddo kordhinta u sameeyeen Golaha Shacabka.
Banaanbaxayaasha oo watay boorar ay ku qoran yihiin Erayo ka dhan ah Farmaajo ayaa socod ku maray dhowr isgoys oo ka mid ah Jidka Wadnaha, laga soo bilaabo Isgoyska Jiirada, Sanca, Jardiinka, Siinaay illaa nawaaxiga Xararyaale.

Waxaa ay banaanbaxayaasha ku dhawaaqayeen Erayo ay kamid yihiin doonimeyno Farmaajo ee ha dhaco, iska bax Farmaajo, kaligii talis doonimeyno iyo Erayo kale.
Qaar kamid ah banaanbaxayaasha oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Farmaajo uu ku fashilmay in dalka uu ka qabto doorasho xor iyo xalaal ah sidoo kale uu yahay kaligiis talis, isla markaana ay doonayaan in uu iska baxo waa sida ay hadalka u dhigeen.
Waa habeenkii labaad oo xiriir ah oo banaanbax looga soo horjeedo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo uu ka dhaco Magaalada Muqdisho, iyaga oo dadka banaanbaxa dhigaya ay dalbanayaan in Farmaajo uu iska baxo si loo qabto doorasho.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe