Waxaa maanta degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud ka dhacay bannaan bax balaaran oo lagu taageerayay wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah kooxda As ee la filayo in uu ka bilowdo Galmudug.
Dadka bannaan baxa isugu yimid oo ka kala yimid deegaanno kala duwan ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah kooxda As, waxa ayna taageero u muujinayeen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee la dagaallamaya As.
Bannaan baxayaasha qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa boggaadiyay wajiga labaad ee howlgalka la doonayo in As looga saaro deegaannada ay ka joogaan gobolada Galgaduud iyo Mudug.
Deegaannada maamulka Galmudug ayaa la filayaa in dhawwaan ka bilowdaan howlgalo ka dhan ah kooxda As, howlgalka ayaana waxaa hoggaaminaya madaxweynaha Soomaaliya oo hadda saldhig ka dhigtay magaalada Dhuusomareeb.


