Monday, October 14, 2024
HomeWararBalcad:- Ciidamo Isku-dhaf Ah Oo Loo Sameeyey Sugidda Amniga Degmada Balcad.

Balcad:- Ciidamo Isku-dhaf Ah Oo Loo Sameeyey Sugidda Amniga Degmada Balcad.

Ciidamada Amniga ee Maamulka Degmada Balcad Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa isku-dhaf lagu sameeyay si ay uga wada Qeyb qaataan Sugida Amaanka Degmadaasi.

Isku-dhafkaas ayaa yimid kadib markii Maalintii Shalay ahayd ay ciidamada ay dhex martay israsaaseyn koobaan taas oo aan wax khasaaro ah geysan sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Isku dhafkan ayaa waxaa Goob joog ka haa Taliyaasha Ciidamada Booliska iyo Nabad sugida Gobolka Shabeelaha dhexe, Xildhibaano katirsan Hirshabeelle iyo Masuuliyiinta Maamulka Degmada Balcad, oo uu ugu horeeyey Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur.

Qaar kamid ah Masuuliyiinta Goobta ka hadlay ayaa Ciidamada kula dar daarmay in ay Iska xilsaaraan Sugida Amniga Degmada Balcad si Bulshada magaaladaas ay si wanaagsan ugu noolaadaan.

Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe waxa ay ka mid tahay degmooyinka dhanka amniga ugu wanagsan gobolkaas,waxana dadka ku nool badi ay yihiin xoolaleey iyo Beeraleey.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe