Sunday, June 21, 2026
HomeWararGudahaBaarlamaanka Soomaaliya oo maanta fadhi ka leh cutubyada 5aad ilaa 9aad ee...

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta fadhi ka leh cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka Dalka

Xildhibaannada Golaha Shacabka & Senatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad ayaa maanta fadhi wadajir ah ka leh cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo dhowaan lagu wareejiyay Guddiga u qaabilsan dastuurka.

Xildhibaannada & Senatarrada ayaa ku kala aragti duwan qabyotirka Dastuurka gaar ahaan cutubyada 5aad ilaa 9aad iyo hannaanka loo marayo dooddaan, waxa ay si hordhac ah u sheegeen in doodahooda ay dhexgayn doonnaan aqalka Golaha Shacabka.

Wasaaradda Caddaaladda & Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddiyada Dastuurka ee madaxbannaan iyo Baarlamanaka ayaa ka shaqeeyay dhammaystirka Dastuurka oo horay isla Baarlamaanku u ansixiyay cutubyada 1aad ilaa 4aad.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe