Baarlamaanka Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa maanta u codeeyay wax ka baddelka lagu sameeyay qodobo kamid ah Dastuurka Dowlad-Goboleedkaas oo intooda badan faaiido u ah ama nacfiga ugu badan uu ka helayo Madaxweynaha.
Qodobadaas waxa ay kala yihiin:
Qodobka 70aad waxa uu xadidayay muddada uu Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland isku-sharixi karo xilkaas marka uu dhammaado muddo xileedkiisa oo markii hore aanay la ogayn labo jeer ka badan balse haatan bilaa xuduud laga dhigay.
Waa qodob dan u ah Madaxweynaha ugu waqtiga dheer madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada hoostaga Dowladda Federaalka ee Jubbaland waxa ay tani meesha ka saareysaa doodihii inta badan laga keeni jiray dhaqangelinta qodobkaas.
Sidoo kale waxaa loo guuray qodobka 65-aad, iyada oo laga dhigay in muddada xil-heynta madaxweynaha ay tahay shan sano, u tartamida madaxweynaha ay tahay mid furan oo aan xadidneyn.
Tallaabadan ayaa dhabaha u xaareysa in Axmed Madoobe uu markale isku soo taago xilka madaxtinimo, kaasi oo intii ay jirtay Jubbaland uu ku fadhiyo, lamana oga sida ay wax ku dambeyn doonaan.
Ninkan oo Jubbaland majaraha u hayo tan iyo markii la aas-aasay 2013-kii, ayaa markale isku diyaarinaya inuu isku caano shubi, uuna qabsado doorasho lamid ah kuwii horey uga dhacay Kismaayo.

