Tuesday, March 18, 2025
HomeWararBaaqayga, Hambalyo iyo Mahadcelin Maalinta Naafadda Adduunka: W/Q: Cali Yare Adan.

Baaqayga, Hambalyo iyo Mahadcelin Maalinta Naafadda Adduunka: W/Q: Cali Yare Adan.

“Anoo ka Faaidaysanaya Maalinta Caalimiga ah ee Naafada Aduunka ayaan Jeclahay inaan Dhamaan Naafadda Aduunka garaan kuwa Somaliyedugu Haambalyeeyo Maalintaa kadibna aan Dadkayga u soo jeediyo baaq kooban iyo Mahadcelin, aan Ku Hormaro Mahadcelinta ugu Horayn Waxaan Maanta iyo Mar kastaba u Mahadcelinaa Allihii i abuuray ee Balaayiinta Umada diisa kamid ah iga dhex doortay inaan Noqdo Ruux Jirka Naafo ka ah iguna beeray Aqliga iyo Caqida Wanaagsan ee Islaamka, marka Xigta waxaan u Mahadcelina Labadii Waalid ee Sabata u aha inaan Kownkaan imaado kana gudbo Marxalado i dareensiin karay inaan Naafo a hay iyo Ehelka iyo Asxaabta aana Halkaan ku soo Koobi karin Magacyadooda ee Had iyo jeer igu Garabsiiya inaan Gaaro Guulaha ku dhamaada meelaha aan Nolosha ka Calaamaystay.

“Baaq: waxaan Umadayda ugu Baaqayaa in Dadka Baahiyaha gaarka ah qaba laga daayo Takoorka iyo Xaqiraada Jootada ah ee loo gaysto waa Ceeb iyo Caqiida Xumo in Maanta dad 99% Muslimin Sheegta ay Xaqiraan Dadkooda qayb kamid ah islamarkaasna Dad aan Muslimiim ahayn ay u doodaan Waxa aan u diidnay oo ah Xaquuqdooda waana marka aad arkaysid in Dad aan Muslimiinta ahayne dhaqan Galinayaan Caqiidadeenii anaguna aan Dhaqan galino tii Shaydaanka waana Marka aad arkayso Wadaadka Muslimka ah iyo Kan Baadariga Masiixiga ah in uu Naxariis roon yahay kan danbe, Dadkeena inaan Xaqgooda sino iska dhaafe waxaan la dhax joognaa Yasid iyo Nayadjabin sida Ugu yeerida Magacyo laga rixraacayo Baahida Rabaaniga ah ee Qofkasi qabo,goobaha Wax barasho iyo dhamaan kuwa danta Guud ayaad arkaysa in loogu talagalay Dadka jir ahaan fiyoow oo kaliya waxaana hubaal ah in Kumanaan jir ahaan Fiyoow oo Goobahaas Buux dhaafiyay ay ka tayo badan yihiin Kuwa aan Jir ahaan Dhamaystirnayn balse Maskax ahaan iyo Garaad ahaan Alle u taamyeelay.

“Qormadaan anoon idinku dheerayn aan Sadex Qolo oo Baaq u diro:
1-Dowladda Somalia:- anoo bogaadinaya Shaqadii Muhiimka ahayd ee Golala Shacaka ku ansixiyeen Sharciga Xaquuqda Naafada ayaan Hadana Dardaarmayaa waa la ansixiyaya oo kaliya waa Qowda maqashii waxna how qaban ee Dhaqan galintiisa waa in Xil gooni ah layska saaro, Madaxda Hada iyo ku biri ugu Baaqanayaa insi Buuxda Naafada Somaliyeed loga dhex arko Maamulka iyo talada Dalka.
2- Saxafadda:- Saaxafadda Caalamku waa indhaha Bulshada waa Tan soo bandhigta Tayada qofka wa Tan la Dirirta Faquuqa iyo kala sooca Dadka ay u Adeegto Saxaafadeenana alle haku duwo inay garato Waajibkeeda.
3- Culimada:- waxaad Dadka bartaan Diintii alle ee Sinaanta iyo Cadaalada ee Sheegida Sanaanta iyo Cadaalada iyo inaan Alle umadiisa la kala saraysiin Dadka u Dardaarma Halkii aad Adinku Horaseed u noqon lahaydeen Kala sooca iyo is Xaqiridda Umadda aad Culimada u ttihiin.

FG: jirkoo Naafo laga noqdo maha Naafanimo Dunidu Maskaxbay magan u tahay ee intaada Qof Jir ahaan Naafo ah Naafo dhihin adiga ordayoow waxaad tahay is hubi.

W/Q: Wariye Ali Yare Abdiwahab Aden

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe