Baadari u dhashay dalka Kenya ayaa Muddo ku dhow Shan Sano waxaa uu ka waday Magaalada Muqdisho faafinta kiristaanimada sidda uu shaaciyay Wargeyska wordandway.org.
Ninkaan Magaalada Muqdisho meel ka mid ah degan oo sababo Amni loo qariyay degmada ay tahay ayaa waxaa uu degan yahay qol yar, waxaana halkaasi uu ku bara Kiristaanka dad isugu jira rag iyo dumar.
Ninkaan Wargeyska uu qariyay Magaciisa waxaa loogu yeeraa John laakiin mahan Magaciisa rasmiga ah, Maadaama uu sheegay in uu cabsi weyn uu ka qabo in uu weeraro kala kulmo dadka Soomaliyeed oo 100% Muslimiin ah.
Mr John ayaa wargeyska u sheegay dad badan Soomaali ah uu gaarsiiyay Kiristaannimada si qarsoodi ahna ku qaatay,kuwaas oo ka baqaya in ay la wadaagaan qoysaskooda.
“Si qarsoodi ah ayaan u heesnaa,una cibaadeysanaa marka aan fursad helna dad badan ayaan gaarsiinaa, inkastoo ay adag tahay in aad tiraahdo waxaan faafinaya Kiristaanimada” ayuu yiri John.
Dalka Soomaaliya waa ka mamnuuc in lagu faafiyo diin aan aheyn diinta Islaamka sidda uu qabo dastuurka Soomaaliya, waxaana muuqata Maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda dhexe in aysan Mas’uuliyad iska saarin ilaalinta Dastuurka dalka u yaalla.

