Saturday, October 17, 2026
HomeWararDibaddaAzerbaijan oo gacanta ku dhigtay hoggaamiyihii hore ee xukuumadda gooni u goosadka...

Azerbaijan oo gacanta ku dhigtay hoggaamiyihii hore ee xukuumadda gooni u goosadka ah

Ciidamada amniga ee Azerbaijan ayaa Arbacadii sheegay inay xabsiga dhigeen hoggaamiyihii hore ee xukuumadda gooni u goosadka ah ee gobolka Nagorno-Karabakh, xilli uu isku dayayey inuu u baxsado dhinaca Armenia.

Tallaabadan ayaa ku soo aadday, iyada oo milateriga dalkaasi ay hawlgallo ka wadaan gobolkaas, ka dib markii ay gacan-ku hayntiisana kala wareegeen kooxaha ka soo jeeda qowmiyadda Armenia.

Ciidamada xuduudda ilaaliya ee Azerbaijan ayaa si rasmi ah u shaaciyey xadhiga Ruben Vardanyan, iyaga oo doonaya inay muujiyaan sida xukuumadda Azarbaijan ay gacanta ugu hayso gobolka Nagorno-Karabakh.

Hoggaamiyahan ayaa loosoo duuliyey dhinacaas iyo caasimadda Baku, halkaas oo masuuliyiinta dalkaasi ay ka go’aan gaadhi doonaan wixii laga yeelayo.

Vardanyan ayaa doonayey inuu ku biiro kumanaan Armeniyiin ah oo toddobaadyadan u dambeeyeyba ka cararayey gobolka Nagorno-Karabakh. Masuuliyiinta Armeniyiinta ah ayaa sheegaya in tirada halkaas ka qaxday ay gaadhayaan illaa 47,000 oo ka mida 120,000 ee Armeniyiinta ahaa ee gobolkan ku noolayd.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe