Home Warar Ayax farabadan oo ku habsaday degaano ka tirsan Gobolka Mudug

Ayax farabadan oo ku habsaday degaano ka tirsan Gobolka Mudug

80

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Ayax farabadan uu ku habsaday Beero ku yaal degaano hoostaga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka mudug, isaga oo baabi’iyay dalagyo dhowr ah.

Deegaannada uu Ayaxa ku habsaday ayaa waxaa kamid ah degaanka Kulmiye oo oo qiyaas ahaan 29km dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug, iyada oo dadka qaarkood ay ka barakaceen.

Qaar kamid ah Beeraleyda degaanka Kulmiye ayaa waxaa ay sheegeen in Ayaxa uu baabi’iyay dalagyo dhowr ah iyo dhul daaqsimeedyo ay Xoolaha u cuni jireen.

Waxaa ay sheegeen in dadka qaarkood ay ka barakaceen Ayaxa, isla markaana dadka degaanka ay wajahayaan dhibaatooyin kala duwan oo uu Ayaxa u geystay Beerahooda.

Ugu dambeyn Wasaaradda Beeraha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay ugu baaqeen inay si deg deg ah ugu soo gurmadaan kana hortagaan dhibaatada kale oo uu Beeraleyda u geysan karo.

Degaano badan oo ka tirsan Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya ayaa uu ku habsaday ayaxa, isaga oo baabi’iyay dalagyo dhowr ah halka meelaha qaar laga buufiyay.