Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa walaac ka muujiyay doorasho ka dhacda dalka, taas oo uu sheegay in aysan jirin wada sax ah oo xilligaan ay ku socoto.
Waxaa uu sheegay in dalkaan uu u baahan yahay in la fuliyo hehsiisyadii doorasho ee la gaaray, sidoo kalena la kala saaro sida ay u dhacayaan doorashooyinka iyo ololaha ay wadaan dadka mas’uuliyiinta.
Waxaa uu taageeray qoraalkii dhawaan kasoo baxay Musharixiinta MadaxweynahaSoomaaliya ay ku dalbadeen in la kala diro doorashooyinka, si loo qabto doorasho loo wada dhan yahay.
Ugu dambeyn Madaxweynaha jubbaland ayaa waxaa uu ugu baaqay Madaxda Dowladda inay banaanka ka istaagaan Arrimaha doorashooyinka sidoo kalena uu aqbalayo dalabkii musharixiinta Madaweynaha ee ahaa in la bedelayo Afarta xubnood ee Guddiga doorashooyinka dhankiisa ka yimid.