Thursday, April 24, 2025
HomeWararAxmed Madoobe Oo Nairobi Kula Kulmay Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Kenya

Axmed Madoobe Oo Nairobi Kula Kulmay Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Kenya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee xarunta dalka kenya ayaa xalay casho sharaf u sameeyey qaar ka mid ah xildhibaanada Soomaalida ee Baarlamaanka dalka Kenya oo uu hogaaminayay Aaden Ducaale Hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya.

Sidoo kale kulankan casho sharafta waxaa ka qeyb galey Wasiirkii hore ee gaashaandhiga ahna xildhibaanka aqalka senatka ee Gaarisa mudane Yuusuf Xaaji, Prof Maxamed Cabdi Gaandi, Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo ka tirsan Aqalka Golaha Shacabka ee Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Yaasiin Xaaji Jaamac oo ah Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo Warshadaha ee Jubbaland.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa kala war qaadashada xaaladaha siyaasadeed ee deegaanada Jubbaland iyo midda amniga ah ee ka taagan deeganadaasi.

Axmed Madoobe ayaa u sheegay Xildhibaanada Baarlamaanka dalka Kenya in xaaladda Jubbaland ay tahay mid wanaagsan wuxuuna uga mahad celiyay doorka Dowladda Kenya ay la garab taagan tahay Maamulka Jubbaland.

Intii uu kulanka socday ayaa waxaa la isku soo hadal qaaday mucaaradada Jubbaland ee ku sugan Muqdisho, wuxuuna Axmed Madoobe u sheegay Xildhibaanadii uu la kulmay inay jiraan xubno dowladda dhexe gadaal ka riixeyso oo ku sugan Muqdisho, kuwaasi oo Jubbaland mucaarad ku ah.

Jubbaland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa ka dhex taagan khilaaf xooggan oo ka dhashay kala aragti duwanaanshihii laga qaatay khilaafka ka dhex taagan dowladaha Khaliijka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe