Saturday, April 18, 2026
HomeWararDibaddaATMIS oo Saldhigii hore ee Hawlgalka Beledweyne ku wareejisay Ciidamada Qalabka Sida...

ATMIS oo Saldhigii hore ee Hawlgalka Beledweyne ku wareejisay Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Iyadoo la qaadayo tallaabo lagu xoojinayo madax-bannaanida amniga Soomaaliya, ayaa Taliska Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) waxa uu Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNAF) ku wareejiyay Saldhigga Horu-marinta Orhasan (FOB) ee magaalada Beledweyne. Wareejintani waxay calaamad u tahay saldhiga shanaad ee la bedelay oo qayb ka ah wejiga saddexaad ee dhimista ciidamada ATMIS.

ATMIS ayaa ku warantay in Munaasabada xil wareejinta ay ka soo qeyb galeen Saraakiil sar sare oo ka kala socday ATMIS, Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Taageerada Soomaaliya ee UNSOS, iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya. Mas’uuliyiintii ka soo qeybgashay waxaa ka mid ahaa Taliyaha Qeybta 4-aad ee ATMIS Col. Saciid Waaberi, Madaxa ATMIS ee Xarunta Taageerada Wadajirka ah ee Sekou Trawally, Madaxa Qorsheynta ee ATMIS Col. Alex Cann, iyo Madaxa ATMIS Major Yahya Kibwana sida lagu sheegay qoraal kooban oo ATMIS ay ku soo bandhigtay xisaabteeda rasmiga ah ee X. .

Col. Saciid Waaberi oo khudbad ka jeediyay goobta ayaa si weyn ugu mahad celiyay ciidamada Jabuuti oo kaalin mug leh ka qaatay xasilinta magaalada Beledweyne iyo deegaanada hoos yimaada. Wuxuu qiray dadaallada iskaashiga ah ee dhabaha u xaaraya isbedelkan, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah si kor loogu qaado ammaanka gobolka.

Wakiilka SNA Maj. Axmed Muxidiin ayaa shacabka Soomaaliyeed u xaqiijiyay sida hagar la’aanta ah ee ay Ciidanka XDS uga go’an tahay in ay si buuxda mas’uuliyadda uga saaran tahay amniga gobolka. “Waxaan u heellannahay inaan hubinno amniga iyo xasilloonida bulshooyinkayada,” ayuu yiri Maj. Muxidin, isagoo iftiimiyay sida ay diyaarka ugu yihiin ciidanka SNAF inay ilaaliyaan waajibaadka amniga ee ay horay u maamuli jireen ciidamada ATMIS.

Madaxa UNSOS ee Unugga Qorsheynta Kala-guurka, Patrick Duah, ayaa hoosta ka xariiqay doorka muhiimka ah ee hay’addu ku leedahay taageeridda Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya. Wuxuu xusay in UNSOS ay gacan weyn ka geysatay bixinta taageerada saadka iyo dadaallada lagu dhisayo awoodda ciidanka XDS, iyadoo la xaqiijinayo in si habsami leh loogu kala guurayo. Iyada oo qayb ka ah taageeradan socota, UNSOS waxa ay ciidamada Soomaaliya hadiyad u siisay agabka muhiimka ah, oo ay ku jiraan matoorrada iyo haamaha biyaha, si ay u xoojiyaan awooddooda shaqo.

Wareejinta Orhasan FOB waa qayb ka mid ah istaraatiijiyad ballaaran oo lagu xoojinayo ciidamada amniga Soomaaliya si ay si madax-banaan u maareeyaan una sugaan degaanadooda. Hindisahani wuxuu la jaan qaadayaa yoolalka guud ee Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya, iyadoo la hiigsanayo in la dhiso qaab-dhismeedka amniga qaranka oo isku-tiirsan oo adag.

Ka bixitaanka wejiyada leh ee ciidamada ATMIS iyo awood siinta ciidamada Soomaaliya ayaa ka dhigan isbedel muhim ah oo loo maro nabad waarta iyo amniga Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe