Monday, November 4, 2024
HomeWararAskar katirsan Howlgalka Qaramada Midoobay MINUSMA oo dhimasho & dhaawac ku noqday...

Askar katirsan Howlgalka Qaramada Midoobay MINUSMA oo dhimasho & dhaawac ku noqday weerar lagu qaaday.

Ugu yaraan askari katirsan Ciidanka howlgalka Qaramada Midoobay u jooga Dalka Mali ee ku howlgalla MINUSMA ayaa dhintay halka ay dhaawacmeen in ka badan 4 kale kaddib markii koox hubeysan ay ku weerartay Waqooyiga Dalkaas.

Askartaan dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray ayaa ku sugnaa Magaalada taariikhda weyn u leh Mali ee lagu magacaabo Timbuktu, muddooyinkii dambe waxaa ka socday rabshado iyo isku dhacyo xooggan oo sababay khasaara naf & mid maaliyadeed.

Kooxda Daacish ee tan iyo 2012 ka dagaalameysa Waqooyiga Mali ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu beegsaday ciidamada katirsan Qaramada Midoobay gaar ahaan howlgalka MINUSMA.

War kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu cambaareeyay weerarkaan iyada oo tacsi ay u dirtay ehelka askariga dhintay halka kuwa dhaawacmay ay u rajeysay caafimaad dhammeystiran in ay dib u helaan.

Ciidanka Qaramada Midoobay ee howlgalka MINUSMA waxa ay gaarayaan 12,000 (Toban iyo labo kun) oo askari oo ay ku yabooheen waddamada xubnaha ka ah Golahaan, waxaana la siiyay taageero maaliyadeed iyo mid agab ciidan.

In ka badan 300 oo askari oo katirsanaa howlgalka Qaramada Midoobay ee Mali ayaa lagu dilay Dalkaas tan iyo sanadkii 2013, dalalka diray ciidankaan ayaa soo jeediyay in la ballaariyo howlgallada si looga hortago halista Kooxaha hubeysan ee duullaanka ku ah askarta MINUSMA.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe