Ugu yaraan afar Askari oo ka tirsan Ciidanka AMISOM ee ka socda dalka Uganda ayaa geeriyooday markii ay dhexdooda is rasaaseeyeen.
Mid ka mid ah Askartaas iyo kormeerihiisa ayuu khilaaf kala dhexgalay waxaana muran dhexmaray uu sababay in Askariga toogto kormeeraha sidoo kalena labo Askari uu toogtay.
Askariga ayaa sidoo kale naftiisa toogtay,waxaana falkan uu Sabtigii ka dhacay gudaha Xerada Xalane oo ah halka ugu weyn ee Ciidanka AMISOM ku leeyihiin Soomaaliya.
Afhayeenka Ciidanka Difaaca Uganda Brig Richard Karemire, ayaa xaqiijiyay dhacdadan,waxaana uu intaas raaciyay in Saraakiisha Uganda ay baaritaan ku hayaan kiiskan.
Ma sheegin waxa sababay falkan, sidoo kale ma sheegin magacyada Askarta isku leysay Xerada Xalane,waxaana uu ku gaabsaday in ay baaris ku sameynayaan.